Description
Arbaha sheekadu waa arday Soomaali ah, Cumar, oo isaga oo dalka Hindiya waxbarasho jaamacadeed u jooga ay kulmeen qalanjada sheekada, Suniita, oo uu dhalay macallinka Cumar. Suniita iyo Cumar is araggooda is caashaqoodaa xigay, halkaana waxaa ka falkismay dhacdooyin aan labadooda ku ekaan ee saamayn wayn oo halis ah ku yeeshay dhammaan ardaydii Afrikaanka ahayd ee dalka Hindiya waxbarashada u joogay waagaa, ilaa heer qalalaase dublamaasiyadeed oo xasaasi ahi ka dhashay.
Kala duwanaan qofeed, dhaqan, diineed, taariikheed, jinsiyadeed, iyo siyaasadeed oo awoodda maarayneed ee labada is caashaqay ka baxsan ayaa xargaha soo wada goostay, in kasta oo ay iyaga ka go’nayd in ay is calfadaan, waxa ay doonto iyo inta ay doonto ha ku qaadatee. Caashaqu xad ma laha, kiisa dhabta ahna xakamayn, cadaadis, iyo siyaasad ma hor istaagi karaan.
Reviews (0)
Ratings

0.0

0 Product Ratings
5
0
4
0
3
0
2
0
1
0

Review this product

Share your thoughts with other customers

Write a review

Reviews

There are no reviews yet.