“Gadhoodh Macaan” waa buugga koowaad ee seddexleyda Jaadadka Kelitaliyaha Afrika waana buugga 28-aad ee Taxanaha Hiil Turjumid Magaciisa asalka ahi waa “Sweet and Sour Milk” waxa qoray Nurrudin Farah waxaana turjumay Maxamed Buux. Waxa uu buuggani qayb ka noqon doonaa waxqabadka turjumaaga iyo Hiil Press ka wada shaqeeyeen sannadkan.
Nuuradiin Faarax saddex marxaladood oo sooyaalka qoraalkiisa ah waxa uu weydiinta sababta uu wax u qoro kaga jawaabay saddex jawaabood oo kala geddisan. Marxaladiisii bilawga aheyd: inaan naftayda u cadeeyo inaan tiraab cuddoon qori karo. Mar dhexe: inaan qalinkayga nolosha ugu sii hayo Soomaaliya. Mar danbena wuxuu ku jawaabay; inaan Soomaaliya ku daro baalalka taariikhda ee waara.
Hawsha turjumaada waxaan u galay inaan naftayda u cadeeyo inaan ka bixi karo. Buuggan “Gadhoodh Macaan” waxaan ku doortay inuu yahay mid sawir buuxa ka bixinaya wixii fallaagooyinku ka gadoodeen dabayaaqadii toddobaatanadii.
Qoraagu wuxuu silsiladda saddexledya ah ee buuggani furaha u yahay kaga hadlayaa jaadadka diktaatooriyadda Afrika, wuxuuna ku doodayaa in qaab dhismeedka qoyska Soomaalidu yahay nidaam yar oo kelitalis ah, Soomaalidana inaanay ka dhamaanayn inuu soo baxo hadba nidaam cabudhiyaa ilaa isbeddel bulsho dhacayo.
Noofalkan qoraagu wuxuu ku naqdinayaa dhallinyaradii la ayniga aheyd ee debadaha wax ku soo baratay, kuwaas oo iyagoo bulshada ka xidhiidh furan waday dedaalo ma dhalays ah oo taliskii daaquudka ahaa laysugu dayayo in indhaha bulshada lagu jeediyo gabood faladiisa, xukunkana laga tuuro. Iyagoon isla mar ahaantaa aan lahayn arragti midaysa oo ay ku dagaal galaan. Wuxuu ka hadlayaa sidoo kale sida aan talisku waxba iskaga tirinayn ee mid mid u xidhayo, dalka uga musaafurinayo amaba u khaarajinayo.
Wuxuu ku sheegayaa ciduu isha gaarka ah isaga eegayay inay ahaayeen horjoogayaasha qabiiladda, ee markii danbena dalka ka caydhiyay, dalkiina maamulo qabiilo u qaybiyay. Haddaba, waxa muuqata in dhallinyarada waxbaratay ee maanta joogaa yihiin kuwo isu dhiibay oo ku daba faylsan horjoogayaasha qabiilka oo aan wax arragti ah iskood u lahayn, noofalkani inuu isweydiino ku abuuro ayaan rajaynayaa.
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.