Toogashadii maroodiga

Sheekadan gaaban waxay ka hadlaysaa dareen dadka badankoodu ka simanyihiin oo ku aroora tabta ugu fudud ee ay isu muujin karaan. Marar badan dadku waxa ay dunida u rogaan si ay isu muujiyaan, tabtan oo kale ayuu uu askariga yar ee miskiinka ahi maroodiga u dilayaa si uu u muujiyo awooddiisa yar ee lagu kaydiyay qoriga rayfalka ah caaradiisa.

Orwell sidii looga bartayba waxa uu cagta marinayaa oo uu qalinkiisa leebka ah feedhaha kaga mudmudayaa murqaha kuuskuusan ee ay imbaraadooriyadii Ingiriisku danyar reer hindiya ah ku muquunisay, isaga oo ka sheekaynaya sida ay dadkaasi u necbaayeen gumaystihii diirka caddaa oo isagu isu arkayay abuurta keli ah ee muruqiisa iyo maankiisa awoodda lugu uruuriyey. Waxa uu ka sheekaynayaa sida uu gumaystuhu wax kasta u xalaashaday, sida uu u dulleeyay arwaaxdii faraha badaneyd ee doonaysay inay baalal xorriyadeed samada ku heehaabaan.

Orwell sheekadan waxa uu kaga sheekaynayaa sidii askari yar oo miskiin ah oo hal mar faraj khayr leh loo furay oo qoriga caaradiisa sharafta jiritaankiisa loo sudhay, dabadeedna maroodi wayn ayuu dhegta xabbad kulul oo ololaysa kaga xarbinayaa.

Customer reviews
  • 0
    0 ratings
  • 5 Stars
    0%
    4 Stars
    0%
    3 Stars
    0%
    2 Stars
    0%
    1 Star
    0%
Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Vendor Information

  • Store Name: Hiil Press
  • Vendor: Hiil Press
  • Address: Abu bakar al siddiq road, durya, 26 june
    Hargeisa
    Maroodijeex
    252
  • No ratings found yet!