“Suugaanta Dhallaanku” waa buugga 8-aad ee Taxanaha Dibucurasho, waxa ay daabacaaddiisii Koobaad soo baxday 1987-kii.
“Dhuuxa ama ujeeddada kitaabkan haddaynu eegno, waxa uu kobcinayaa garashada fikiriga ah ee ubadkeenna. Buuggu waxa uu ka kooban yahay sheekooyin gaagaaban oo shacbi ah, heeso, carrabjalqisyo, googaalaysi iwm. Xagga sheekooyinka haddii aynu fiirinno, waxa ay isugu jiraan qaar carruurta maaweelinaya, qaar asluubta baraya, qaar nolosha u laylinaya, qaar maan-ku-dareenkooda (imagination) kordhinaya iyo qaar ka fikirsiinaya. Heesuhu iyagu door weyn baa ay ka qaataan nolosha ubadka. Sida la ogyahay, carruurtu waxa ay markiiba qabsan karaan wixii jiib iyo jaan leh.
Heesahuna shardigaas ayay fuliyaan. Arrintu si kastaba ha ahaatee, kitaabkan, oo ah kii u horreeyey noociisu, waxa aan hubaa inuu kaalin weyn ka geli doono xiisagelinta iyo barbaarinta ubadka. Waxa kale oo aan ku kalsoonahay inuu uga fududaan doono kutubta ay hadda dhigtaan qaarkood; kuwaas oo ay iila eg tahay in ay ku jiraan qaybo ka sarreeya carruurta.”
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.