Sheekadan gaaban oo soo baxday (1885) waxa uu Mark Twain kaga hadlayaa waayihiisii ciidannimo iyo sidii uu uga qayb qaatay dagaalkii sokeeye ee Maraykanka soo maray. Waa billowgii dagaalka Mark Twain xilligaa waxa uu ka tirsanaa Ciidamaddii Isbahaysiga.
Muddadaa kooban ee uu ciidanka ahaa sidii ay wax u dheceen ayuu ka warramayaa. Waxa ayna sheekadu ku saabsan tahay isaga iyo guuto dhallin u badan, khibrad dagaalna aan lahayn oo “Marion Rangers” la baxday kana fallaagayn jiray Gobalka Missouri ee dhaca badhtamaha galbeed ee Maraykanka.
Sheekadu waxa ay gudbinaysaa macna darrada dagaalka iyo sida uu u yahay barkumataal maangalnimo aan shaqo ku lahayn. Waxa uu Twain isku dayayaa in uu sifeeyo hammi la’aanta haysata askariga dabku farihiisa ku jiro waxa uuna ku eedaynayaa in uu yahay agnaan garashadu ku yartahay, ama ugu yaraan qof jibbada dagaalku ka sayid calayso oo jiidda heddu keento.
Waxa uu si dadban inoogu sheegayaa sida sibiqda ah ee uu qofku u qaato go’aan uu san ka fiirsan uguna kadabgooyo naftiisa ama yool uga dhigto qudhgooyoda qofkale, oo laga yaabo haddii ay si kale u kulmi lahaayeen in ay istabantaabin lahaayeen.
Sidoo kale sheekada waxa ay hogotusaalaynaysaa loollanka gudeed ee qofka duunkiisa ka dhex taagan, gaar ahaan marka uusan askarigu lahayn khibrad dagaal. Hirdanka ka dhexeeya damiirka xalan ee aadamenimada ee maangalnimada ku go’anqaata, iyo jixinjix la’aanta askariga isagu abaal marinta iyo libtu uga dhex muuqato ajal la gooyo, ama qof xabaalaha lagu daro ayuu isbarbardhigayaa.
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.