Saddex geeriyood
Sheekadan gaaban waxa qoray Leo Tolstoy, Afka ruushka magaca “Tri Smerti” ayey ku soo baxday sheekadu, waxaana la daabacay sannadii 1859. Tolstoy waayihii dambe ee noloshiisa waxa soo foodsaaray culays nafsadeed oo kaga imanayey waydiimo uu furdaaminkari waayey ayna ugu horreeyaan macnaha nolosha iyo lama huraannimada geerida. Maxaynu u geeriyoonnaa? Iyo haddiiba aynu dhimanayno maxaynu uga cabsannaa geerida horteed? Waa labada waydiimood ee dhextaalka u ahaa waxqabadyadiisii dambe badidooda.
Haddaba sheekadan gaaban waxa uu ku sargooyey naf jacaylka dabaqadaha Aristoqraadiga ah iyo sida ay nolosha ugu dhagganyihiin xitaa haddii naftu iskasii gurayso. Middaas ayuu barbardhigayaa nolosha fudud ee geerida aamusan ku gabgabowda ee saboolka. Waxa uu sidoo kale hogutusaalaynayaa geerida basharku sida ay saamayn ugu leedahay ama sababba ugu noqoto dhimashada dabeecadda ku xeeran ee dhir iyo mayeedhaan kaleba leh. Duurxulka sheekadiisan iyo falsafaddiisa geeriduna waa: in markasta oo uu qofku wacyigiisu kordho uu darxuma la sii darso taaganta uu noolyahayna uga doolo timaaddada maqan ee geerida iyo gabowba leh. eelka oo dhan waxa uu ku sababeeyey Tolstoy ogaalka geerida ee uu basharku madiga ku yahay.
Customer reviews
  • 0
    0 ratings
  • 5 Stars
    0%
    4 Stars
    0%
    3 Stars
    0%
    2 Stars
    0%
    1 Star
    0%
Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Vendor Information

  • Store Name: Hiil Press
  • Vendor: Hiil Press
  • Address: Abu bakar al siddiq road, durya, 26 june
    Hargeisa
    Maroodijeex
    252
  • No ratings found yet!