Buuggani, “Islaamka iyo Cilmiga: Dooddii Renan iyo Afgaani”, waa bandhig iyo falaanqayn ku aaddan dood dabshidkii 1883 dhexmartay labo indheergarad oo la kala oran jirey Ernest Renan iyo Jamaaludiin Afgaani oo kan hore uu metalayey dunida Galbeedka, gaar ahaan Yurub, kan kalena dunida Bariga, gaar ahaan dunida Islaamka. Dooddan oo lagu tiriyo in ay tahay midda ugu magaca dheer doodihii Muslimiintu ay qaybta ka ahaayeen, muran iyo hadalhayn badanna abuurtay, waxay bilaabatay kolkii Ernest Renan muxaadaro uu ka jeediyey jaamacadda Sorboon ee dalka Faransiiska uu ku sheegay in diinta Islaamku ay cilmiga iyo falsafadda col la tahay, ummadaha Saamida ah ee Carabtu ay ka midka yihiinna aysan lahayn karti ay cilmi iyo falsafad ku curin karaan, arrintaasina ay tahay sababta keentay dib-u-dhaca Muslimiinta ku xididdaystay.
Renan waxa uu ku dooday in dhammaan dhaxalka cilmiga iyo falsafadda ah ee ilbaxnimada Islaamka loogu abtiriyo ay halabuureen dad aan Carab ahayn, run ahaantiina dhaxalkaasi uu yahay mid laga soo minguuriyey aqoontii Giriigga—oo Carabta iyo Muslimiintuna aysan ku lahayn wax dhaafsiisan afka Carabiga ee ay sida liidata ugu tarjumeen.
Qarnigii 19-aad, Muslimiintii tagay dhulalka Yurub iyo dadyowgii reer Yurub ee yimid dunida Islaamka, labaduba, waxay isku raaceen in guud ahaan Yurub ay ka hormarsan tahay dunida Islaamka. Xaqiiqadaas sida cad loogu wada jeedayna waxay dhalisay weydiin ah: Maxaa sabab u ah horumarka waddamada reer Galbeedka iyo dib-u-dhaca ummadaha Bariga ee Muslimiintu ay kowda ka yihiin? Ka jawaabidda weydiintan aad baa loogu kala taggan yahay, buugganna wuxuu wax ka taataabtay doodaha ku gadaaman su’aashan muddada soo taagnayd isaga oo ka ambaqaadaya fikradihii Renan iyo Afgaani ay isdhaafsadeen.
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.