Sheekadu wax ay si cajiib leh usoo koobaysaa, nolosha Kabatole Siimoon, oo muddo aad u dheer beerka dhulka ku hayay, baahi iyo arad la’aana isugu darsameen, nolol adagna ku jiray. Siimoon, ayaa maalin maalmaha ka mid ah suuqa u baxaya, si uu buste ugu soo iibsado, lacag yar oo uu in muddo ah urursanayay. Suuqa markii uu tegay, lacagtii uu biirsaday ayaa qiimihii bustaha badh ka dhinmay. Dhaar buu ku maray in uu bixinayo, oo intaas ka dhiman la amaahiyo. Waa se laga diiday. Wax kaste wuu sameeyay. Nagata. Cidi ugama soo dhaqaaqin. Cadhadii buu isaguna lacagtii yarayd badh ka mid ah khamri siistay, si uu dhaxanta iskaga diiriyo!
Xaaskii Siimoon ee Maatriyoona, wax ay sugaysaa bustihii koobaad ee ay noloshooda iibsadaan! Wax ay usii uunsatay si ka duwan sidii ay noloshoodii hore kusoo qaateen. Wax badan oo kale iyada oo ka fekeraysa ayay aragtay, labada nin ee aqalka soo galay. Saa waa xaajigii iyo qof aannay garanayn! Waa Siimoon iyo nin uu ka soo kaxeeyay, mawlac u dhowaa! Way eegtay, saa midh ma sido! Markiiba urtiisii ayaa saaqday, oo khamriga kasoo kamkamaya ayaa aqalkiiba qabsaday! Garatay in uu khamri soo cabbay! Aragtay in aannu midhba sidin! Cadho ayay jiq noqotay. “Awalba doqon baad ahayd iyo caawa ayaad mid kaa sii doqonsana soo kaxaysatay, intaad lacagtii bustaha kusoo sharaabtay oo kusoo dhillaysatay.” ayay hadal uga billowday!
Intii lacagta kasoo hadhay ayuu Siimoon jeebkiisa kasoo saaray, dabadeed xaaskiisii ku yidhi: “adiguna intan kale khamri soo siiso, oo dhaxanta iskaga diiri.” Dabadeed xaaladdu sida ay u jirto ayuu uga warramay. Ninkii buu u sheegay iyo meesha uu kasoo raacay. Noloshiisii buu uga warramay, iyo dayaca haystay iyo sida uu u qaawanaa. Kadib markaas bay Maatriyoona ninkii ka naxday, oo roodhi ay haysay iyo caano uu iskaga dejiyo siisay! Dabadeed Maykal baa dhoollacaddeeyay!
Siimoon, ninkii buu ku dhiirigeliyay in uu shaqaysto, oo isaga la dego. Wax aannu tusay, sida kabaha loo tolo. Maykal, wax uu noqday farsama yaqaan cajiib ah, oo gacantiisa iyo farsamadiisa la wada jeclaaday. Lix sanno ayuu sidaas Maykal kula degganaa Siimoon iyo qoyskiisa. Dabadeed maalin baa nin dheer oo quwad leh, fardo iyo rag ilaaliyayaal ahna wataa u yimi. Iyaga oo ka cabsanaya ayay wayddiiyeen, waxa uu rabo! Haraggaas kabo maas ah oo adag oo aan sannad ku jaqaafiyo iiga sameeya, ayuu ku yidhi! Siimoon, wuu aqbalay ninka codsigiisii, wax aannu la kaashaday saaxiibkii Maykal! Farsamayaqaan Maykal baa haraggii u la kala baxay! Kabo dacas ah ayuu ka sameeyay haraggii, halkii uu ka samayn lahaa buudhkii loo diray! Siimooon baa arkay dacaska, oo aad uga xanaaqay. Iyaga oo isku haysta, kana cabsanaya waxa ninkii xoogga weynaa ku samayn doono, ayaa albaabkii la gu tumay! Waa mid ka mid ah, ilaaladii ninkii xoogga weynaa! “Maxaad rabtay?” Ayay wayddiiyeen. Wax uu yidhi; “kabihii boqorku idiin dirsaday, iska qaata, wuu dhintay markii aannu sidaas idiinka dhaqaaqnay e.” Maykal baa dhoollacaddeeyay.
Maalin kale gabadh labo hablood wadata ayaa u timi Siimoon iyo saaxiibkii Maykal. Labada hablood ee yaryar mid baa laangadhe ah, oo lug ka dhutinaysa. Islaantii wax ay codsatay in labada hablood kabo loogu sameeyo! Dabadeed Maatriyoona ayaa wayddiisay, inanta yar waxa lugta kaga dhacay! Wax ay tidhi: “hooyadeed baa ka jebisay!.” “Oo adigu hooyadeed ma tihid miyaa?” Ayay haddana wayddiisay. “May, ma ihi, ee hooyadood iyo aabbahood ba way dhinteen. Aniga ayaa soo korsaday. Aabbahood maalin Salaasa ah buu dhintay oo tiirar baa ku dumay, saddex maalmood kadib bay hooyadoodna iyaga ku umul aroortay, oo markii ay umushay ayay dhimatay. Tan laangadhada ahna, hooyadeed baa sakaraadkii ku rafatay oo lugta kasii jebisay. Maalintaas baan soo qaatay, oo korsaday oo naaska jaqsiiyay, maadaama aannu reerka jaar ahayn, umul markaas afartan baxdayna aan ahaa. Muddo kadib, ilmahaygii wuu iga dhintay, iyaga ayaana ubad iyo indhodoogsi ii noqday.” Dabadeed Maykal baa dhoollacaddeeyay.
Ugu danbayn, Siimoon ayaa wayddiiyay Maykal: “noloshaada intii aad ila joogtay ilaa habeenkii 1aad ee aan mawlaca kaa soo ag kexeeyay, saddex jeer baad qososhay? Ee maxaa dhacay?” Wax uu Maykal yidhi: “Markaas ciqaab rabbi baa i saarnayd, oo saddex xaqiiqo ayaa la i barayay, kadib mar kaste oo aan mid ka mid ah saddexdaas xaqiiqo barto waan dhoollcaddaynayay. Saddexdii wax mid waxaan bartay, habeenkii aad isoo kaxaysay markii xaaskaagu i quudisay, aniga oo gaajo la bakhtinaya, midna wax aan bartay markii ninka xoogga weyni kabaha igu amray in aan kabaha tolo, ta u danbaysaana waa tan labada hablood ee yaryar.”
Markaas kadib ayuu Maykal ka sheekeeyay, xaqiiqada noloshiisii iyo saddexda wax ee uu bartayba. Wax uu sheegay in uu weli karaamaysan ahaan jiray, mar marna malag la wakiisho oo dadka nafta ka soo qaada! Dabadeed xaalad adag kusoo beegantay oo hooyo umul ah oo labo hablood umushay nafta ka qaad la yidhi. Iyada oo nin keediina saddex maalmood ka hor uu geeriyooday. Arrintaas ayaa ku adkaatay, oo uu illaahay uga cawday! Kadib markii uu illaahay cabashadii kula noqday ayaa loo sheegay in uu weligii saddex qodob u toog hayo: waxa dad u roon, waxa aan dad ku tashan iyo waxa dadku u nool yahay. Maalintaas markii uu hooyadii nafta ka qaaday ee is yidhi, samada u gelbi ayaa Maykal isagana dhulka lagaga tegay.
Wax uu bartay gobannimada xaaskii Siimoon ee iyada oo cadhaysan, haddana habeenkii quudisay. Taasi waa waxa dad u roon. Waxa kale oo uu arkay ninkii amarka siinayay ee is xariifinayay, in uu dhimanayo oo wedku dul joogo! Taasina waa waxa aan dad ku tashan! sidoo kale waxa uu bartay silsiladda nolosha ee tu kaste oo aad aragto tu kasii darani jirto! Waa hablihii yaryaraa ee hooyadood iyo aabbahood ba waayay, iyaga oo aan ifkaba indhaha ku kala qaadin, iyo sida ay iyagii oo nool oo soconaya, maanta ugu yimaaddeen! Taasina waa waxa dad u nool yahay! Markii uu saddexdaas xaqiiqo bartay ayaa Maykal laga dul qaaday ciqaabtii saarnayd! Sidaas baannu ku libdhay.
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.