Taariikhda sheekada gaaban iyo waqtigii ay bilaabatay weli waa wax shaki ku jira, waxayse runtu tahay inay ka soo shaac baxday dhaqammo aan suugaantoodu qorrayn ee afka uun ku ekaa. Sheekooyin qoran oo ku siman ilaa dhalashadii Nebi Ciise ka hor ayaa laga helaa Baybalka Cahdigii Hore.
Sheekooyinku, xisihii loo qabay dartii, ayay jiiteen
dhugmadii dadka qarni kasta ama bulsho kasta ha ku jireene. Ilbaxnimada ka hor waxa ay dadkii hore isugu soo ururi jireen dabshidyada xaafadahooda, waxayna iska marti gelin jireen sheekooyin la xiriira waayo-aragnimadooda maalmeed. Casrigeennan cusub
waxa aynu isku maaweelinnaa filimmada, raadiyaha, iyo telefeshinnada, kuwaas oo ina tusaya ama inoo sheegaya nooc sheeko, haba ka casrisanaadeen noocyadii hore ee sheekotebinta ah e.
Jacaylka iyo xiisaha ay bani’aadamku u qabeen sheekotebinta iyo dhegaysigeeda, waxa ay keentay caanbixiddii sheekada gaaban. Ninkii ugu horreeyay oo qlimaha ay sheekada gaabani leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto suugaanta magoogashadu
(Imaginative Literature) sharxaa, wuxuu ahaa qoraa Maraykan ah oo la oran jiray Edgar Allan Poe.
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.