Dhul intee le’eg ayaa qofka deeqa ?
hul Intee Le’eg Baa Qofka Deeqa?
Buuggan oo magaciisa asalka ahi yahay “How Much Land Does a Man Need?” Waa buugga 11aad taxanaha sheeko gaaban.
“Waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid ka mid ah sheekooyinka gaaban ee ugu tayo sarreeya ee abid bini’aadanku qoro. Waxaa sannadkii 1886 qoray qoraagii waynaa ee Ruushka ahaa, Leo Tolstoy. Waxa kale oo loo aqoonsaday in ay tahay sheeko kalaasik “antimaterialism” ah.
Sheekadu waxa ay toosh wayn ku ifinaysaa damaca, cirwaynida iyo doonista waallida ah ee bini’aadanka iyo noloshiisa gaaban ee qofku aakhiro u carraabayo asaga oo weli dabaguclaynaya uruursiga hanti adduunyo. Waxa ayna sheekadu ku dhammaanaysa sillan-suganta (irony) la yaabka leh ee labadaa arrimood (damaca waalan iyo nolosha gaaban).
Sheekadu waxa ay ka warramaysaa nin sabool beeraley Ruush ah oo ku mamaya meegaarashada goofaf badan, ninkaas oo iska dhaadhicinaya haddii uu yeesho dhulal iyo beero aad u farabadan in ayan jirin doonin wax dambe oo uu ka cabsan doono ama ka welweli doono, xataa Ibliiska.”
Customer reviews
  • 0
    0 ratings
  • 5 Stars
    0%
    4 Stars
    0%
    3 Stars
    0%
    2 Stars
    0%
    1 Star
    0%
Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Vendor Information

  • Store Name: Hiil Press
  • Vendor: Hiil Press
  • Address: Abu bakar al siddiq road, durya, 26 june
    Hargeisa
    Maroodijeex
    252
  • No ratings found yet!