Your cart is currently empty!
Dalkii udgoonaa
$9.00
Waa mid ka mid ah Taxanaha Dibucurasho, waxa qoray Axmed Cartan Xaange
Description
buuggan Dalkii Udgoonaa “The Land of Spices” waxa qoray Axmed Cartan Xaange, waxa daabacaaddiisii koowaad la soo saaray sannadkii 1984. Muddadaas kadib buuggan dib looma daabicin. Haddaba, maadama ay muhiim tahay soo nooleynta dhaxalka qaayaha leh ee qoraagu inooga tegay, Hiil Press iyada oo la kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta waxa ay dib u soo saartay buuggan oo ka qayb ah taxanaha Dibucurasho oo ka mid ah waxsoosaarrada shirkadda. Waxaa dib u garaacay isla kolkaana tifaftiray Cabdiqani Ismaaciil “ Magan”.
“Taariikhda waayaha ilbaxnimada Soomaaliyeed in badan baa weli u baahan in daaha laga rogo. “Dhulkii Udgoonaa” in Geeska Afrika, ee haatan Soomaalidu deggan yihiin, adduunkii hore u yiqiin baynu ognahay. Maxaa dalkaas loogu bixiyey magacaas; maxaa udgoonaysiiyey dalkaas? Jawaab saxan uma haynno weydiintaas; goobid ballaaran baa loo baahan yahay si bal loo helo jawaab aan runta ka durugsanayn.
Sida la ogyahay, Soomaaliya waxay ku fadhidaa dal kuman-guurooyin marin u ahaa, haddana u ah, xiriirka ganacsi iyo dhaqan ee ka dhexeeya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika. Doorkaas isku-xiriirinta adduunka waxay Soomaaliya ku mutaysatay waa Badweynta Indiya iyo Badda Guduudan ee ku heeran, kuwaas oo ah halbawleyaasha isgaarsiinta qaaradahaas. Soomaaliya, haddaba, waa qaran badeed, ilbaxnimada iyo horukaca dal kastaana aalaaba wuxuu ka fufaa magaalooyinka ku yaal xeebaha iyo agagaarkooda, iyada oo sababtu tahay xiriirka ganacsi iyo dhaqan ee magaalooyinkaasi toos ula yeeshaan adduun-weynaha.
Badeecadda Soomaaliyadii hore, ama “Dalkii Eebbe”, caanka ku ahayd ee dibedda u dhoofin jirtey waxaa ugu qiime weynaa xijiga. Waa laga joogo in ka badan saddex kun iyo afar boqol oo sano, “Dalkii Eebbe” oo keli ah baa laga heli jirey xijiga ugu fiican.
Goobidda taariikhda xijiga Soomaaliya iyo sidii uu geedkaas qiimaha weyni u saameeyey ilbaxnimada iyo dhaqammada badan ee adduun-weynahu hawl weyn iyo waqti dheer bay u baahan tahay; sidaas awgeed, kuma dheeraan karno arrintaas markan. In kastaba, waxay nala tahay marag-ma-doonto in magaca “Dhulkii Udgoonaa” asalkiisu ka yimid geedka xijiga. Malahaas baana u sabab ah faalladayadan gaaban ee arrintaas ku saabsan, iyo weliba ujeeddada aannu ka leenahay hawshan oo idil”.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.
Vendor Information
- Store Name: Hiil Press
- Vendor: Hiil Press
-
Address:
Abu bakar al siddiq road, durya, 26 june
Hargeisa
Maroodijeex
252 - No ratings found yet!
Related products
-
2024 New Vintage Cat Eye Round Sunglasses Women’s Korean Version Metal Rimless Gradient Sun Glasses Luxury Shades UV400 очки
Original price was: $25.38.$13.95Current price is: $13.95. -
ADAPTER HP ORIGINAL TYPE C 65W
Original price was: $14.00.$13.20Current price is: $13.20. -
ADAPTER LONOVA USB
Original price was: $5.00.$3.30Current price is: $3.30. -
Amir 50 ML
Original price was: $25.00.$21.00Current price is: $21.00. -
Aquaphor Healing Ointment Advanced Therapy – 99g
Original price was: $30.99.$27.50Current price is: $27.50.
Reviews
There are no reviews yet.