“Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay” waa buug gilgilaya garaadka dadka Soomaaliyeed iyo kan dunida dibaddaba. Qoraaga buuggan, Maxamed Daahir Afrax, oo ku caanbaxay isku-taxallujinta iyo wax-ka-qoridda dhiirran ee arrimaha Soomaalida, qoraalladiisii horena u badnaayeen dhanka hal-abuurka suugaanta iyo cilmi-baarista dhaqanka, wuxuu buuggiisan cusub si cilmiyaysan ugu lafagurayaa dhinacyada kala duwan ee aafada Soomaalida ku habsatay, taas oo uu ku eegayo aragti cusub oo innagu dhalinaysa feker cusub. Cinwaanka buuggu wuxuu qacda horeba ku dareensiinayaa dhiillada qoraagu doonayo in uu si degdeg ah dadka u taabsiiyo halka ay fadhiyaan cilladaha dalkan burburiyey welina hortaagan in xal la gaaro. Wuxuu kaloo iftiiminayaa waddada loo mari karo badbaado qaran, sida uu u arko.
Dhab ahaan waa buuggii loo baahnaa oo ku soo beegmay waqtigii loo baahnaa, waqtigan uu socdo Shirweynaha Eldoret. Waa buug u qoran hab aan akhriskiisa laga xiise goynayn; wuxuu ku qoran yahay luqad qurux badan oo loo adeegsanayo suugaan iyo farshaxan uu ku farayaraystay hal-abuur ku caanbaxay curinta sheekooyin dadka soo wada jiita. Waa buug lagama maarmaan u ah qof kastoo daneeya arrimaha Soomaalida, qoraagiisuna mudan yahay hambalyo iyo bogaadin.”
Customer reviews
Reviews
There are no reviews yet.
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.