Abab mise abuur

Buuggani waxa uu ka koobanyahay 20 cutub. 17-ka cutub ee u horreeya waxa aan kaga hadli doonnaa shakhsiyadaha caadiga ah ee aan cilladda lahayn ee aadanaha, innaga oo tixraacaynna astaamaha aasaasiga ah ee shakhsiyaddaasi leedahay, sida meelaha ay ku wanaagsan yihiin, meelaha ay ku liitaan, shaqooyinka ay ku fiican yihiin, qaababka kala duwan ee uga falceliyaan dhacdooyinka nololeed ee soo wajaha, iyo xidhiidhada ay bulshada la leeyihiin. Cutubbadaasi kaliya waa soo koobidda aragtiyo horey u jirey oo saynisyahanno kala duwan wakhtiyo kala geddisan daahfureen oo ku falanqaynayaan shakhsiyadaha kala duwan ee aadanaha. Taas macnaheedu waa in inta badan aragtiyaahaasi aysan ahayn kuwo cilmi ahaan loo xaqiijiyay laakiin maangal ahaan loogu qancay isla markaana la meelmariyay. Intaa dabadeed, saddexda cutub ee buuggan u danbeeyaa waa nuxurka iyo ubucda buuggan. Waa saddex cutub oo ku saabsan saddexda sakhsiyadood ee loo yaqaan “saddexda mugdiga ah” waana saddexda cutub ee ugu muhiimsan buuggan. Saddexdaas cutub waxa ay ku fadhiyaan cilmi-baadhisyo xaqiiq ah oo ay sameeyeen mac’haddo, kasmo-nafeedyahanno iyo Alle ha u naxariistee abwaanno Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Cabdiqaadir Xirsi Siyaad “Yamyam”, Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Axmed Dharaar “Carsaanyo”. Cutubbadaas dambe ee saddexda ahi waxa ay si faahfaahsan uga warramayaan sababaha keena shakhsiyadaha loo yaqaan “saddexda mugdiga ah”, dhibaatada ay u gaystaan dadka iyaga u dhaw, xeeladaha ay adeegsadaan si ay dadka u dhibaateeyaan iyo sida looga badbaadi karo dhagartooda.

Customer reviews
  • 0
    0 ratings
  • 5 Stars
    0%
    4 Stars
    0%
    3 Stars
    0%
    2 Stars
    0%
    1 Star
    0%
Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Vendor Information

  • Store Name: Hiil Press
  • Vendor: Hiil Press
  • Address: Abu bakar al siddiq road, durya, 26 june
    Hargeisa
    Maroodijeex
    252
  • No ratings found yet!